Maamulka Jubbaland oo Kismaayo ka soo saaray amar dad badan ka yaabiyey

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay amar mamnuucaya jarista dhirta qoyan iyo qodista waraha aan sharciyeysnayn si baa la yiri looga dheeraado nabaad-guurka degaanka.

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo akhriyey bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa sheegay in la loojiyey jarista dhirta qoyan ee loo isticmaalo dhuxusha wax lagu karsado iyo seereynta dhulka.

Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in la mamnuucay qodista waraha aan sharciyeysnayn iyo qodista dhulka si dhagax loogala baxo.

Dhammaan talaabooyinkaan ayey Dowlad-goboleedka Jubbalanad uga gol leedahay ilaalinta deegaanka iyo ka dheeraanta nabaad-guurka.

Hadalkan ayaa dad badan ka yaabiyey maadaama Qaramada Midoobay ay marar ku eedeysay maamulkaas iyo ciidamada Kenya ee jooga kismaayo iney ku xad gudbeen go’aankii lagu mamnuucay dhoofinta dhuxusha, lamana oga in maamulka Axmed Madoobe ay fulin doonaan amarkan iyo iney dano kale ka leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -