Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo Asmara ku arkay saraakiil loo tababarayo DF

Wadahadalo ay xalay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya & Eritrea, ayaa Mr Isaias Afwerki wuxuu sheegay in lagama maarman ay tahay in la xoojiyo xariirka dhinacyada ee Siyaasadda, ciidamada, amniga iyo dhaqaalaha ee labada dal ay leeyihiin.

5tii sanno ee lasoo dhafay Eritrea ayaa tababartay, in ka badan 10,000 askar Soomaali ah, laakiin sida loo maareeyey markii ay ku soo laabteen gudaha dalkooda, ayay saluugtay dawladda Eritrea.

MW Xassan Sheekh oo wareysi siiyey Wakaalada wararka ee Eritrea ayaa bogaadiyey taageerada ay Eritrea siinayso dalkiisa, gaar ahaana doorkeeda dibu dhiska ciidanka xoogga dalka, oo ay kaalin weyn kaga jirto, sida uu xusay Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa  kormeer ugu tagay cutubyo  katirsan  ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya  xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib  u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu  warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib soo gaba gabeeyey Socdaalkii uu ku joogay Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo la kulmay Guddoomiyaha baarlamankaa Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay in Ajandaha Madaxtooyada aan lagu sii wadi karin howlaha Baarlamaanka.

Related posts

Q/Midoobay oo ka hadashay dayuurada ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab

Caydiid Ali

Fahad Yasin oo dhaliilay talaabada DF ku dalbatay in la xiro xafiiska QM ee Somalia

Caydiid Ali

Xassan Shiikh: “Ciidamada DF ayaa na soo weeraray aniga iyo Shiikh Shariif”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---