Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al Shabaab oo soo bandhigtay Magaca iyo Qabiilka mid kamid ah ragii Weeraray Hotel Saxafi

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa jimcihii lasoo dhaafay weerar xoogan oo isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Hotelka Saxafi ee kuyaala Muqdisho.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa wareysi ka qaaday mid kamid ah ragii weerarka ku qaaday Hotelka Saxafi , waxa uuna ninkan sheegay in uu ku faraxsan yahay weerarka uu ka qeyb qaadanayay.

Al Shabaab ayaa magaca ninkan kamid ahaa ragii Weeraray Hotelka Saxafi ku sheegtay Axmed Aadan Mursal  (Axmed Guduud), waxa uuna ninkan kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn gaar ahaan jufada Hadamo.

Ninkan kamid ahaa ragii weerarka ku qaaday Hotelka Saxafi ayaa kula dar daarmay xubnaha kale ee Al Shabaab in halkooda kasii wadaan dagaalka ay kula jiraan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada taageera.

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi waxaa ku dhintay dad ku dhaw 50-qof oo u badnaa dad shacab ah, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi ku dileen masuuliyiin iyo saraakiil dowlada katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mala is dhihi karaa Safarkii Rooble ee Puntland wuxuu soo dadajiyay Shirka Mucaaradka iyo Maamul goboleedyada !!

admin

Dugsiga Fatxul Kheyr oo Bishaaro muhiim ah u haya Qurbajoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Wakiillo katirsan beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---