Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre iyo wafdigiisa oo gaaray Baqdaad (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Hamza Abdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda Jamhuuriyadda Ciraaq.

Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho rasmi ah oo dhawr cisho ah ku joogi doona dalka Ciraaq ayaa inta uu joogo waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkan Ciraaq Ra’iisul Wasaare, Mudane Maxamed Shiyaac Al-Suudaani, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Ciraaq, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Ciraaq

 

Related posts

Dhulgariir weyn oo laga cabsi qabo inuu ka dhaco Istanbul iyo digniin laga soo saaray

Caydiid Ali

Amarada aan dhamaadka lahayn ee Gudoomiye Finish & Dowladda Sudna oo shaacisay in diinta islaamka laga bixi karo !!

admin

Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil

Caydiid Ali
Taboola Ads ---