Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad taliyaha ugu sarreeya ciidankeeda ka dhigtay Haweeney

Dalka Canada ayaa haweeney u magacaabay taliyaha ugu sarreeya dalkaas markii ugu horreysay abid Arbacadii, taasoo ah dadaalka uu Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ku doonayo inuu haweenka ugu magacaabo shaqooyinka ugu sarreeya.

Sareeye Guuto Jennie Carignan, oo mas’uul ka ah dadaallada lagu ciribtirayo wax loogu yeeray anshax-xumada gudaha ciidamada qalabka sida, ayaa shaqada la wareegi doonta Luulyo 18-keeda.

Carignan, oo asal ahaan ah Injineer Milatari, ayaa 35-kii sano ee ay ciidanka ka tirsanayd waxay soo maamushay ciidamada dalalka Afgaanistaan, Bosnia-Herzegovina, Ciraaq iyo Suuriya.

“Mudadii ay ku jirtay shaqadeeda, tayadeeda hoggaamineed ee gaarka ah, ka go’naanta heerka sare, iyo u heellanaanta adeegga ayaa hanti weyn u ahaa ciidamadeena qalabka sida,” Trudeau ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Carignan waxay xilka la wareegaysaa xilli dalka Canada uu cadaadis kala kulmayo xulafadeeda si ay sare ugu qaaddo kharashkeeda difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo kulan sagootin ah la qaatay danjire C/fataax C/llaahi Xassan

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo iska dhega tiray digniinta Mucaaradka & Qoor-qoor oo..

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiirada arrimaha dibeda ee Somalia iyo Kenya? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---