Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka & dalal kale oo Israel u sheegay ineysan waqti ku lumin burburinta Xamaas

Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska saraakiishooda khibrada leh oo ay ku jiraan kuwa ka soo dagaallamay Ciraaq iyo Afgaanistaan, ayaa u sheegay Israa’iil inaysan waqti ku lumin burburinta Xamaas.

Waxay sheegeen inay tahay koox ku dhex dhisan ra’yiga bulshada Falastiiniyiinta, kuwaaso aan lagu burburin karin dagaalyahanno laga dilo, sababtoo ah boqollaal kale oo dagaalyahannada ayaa isla saacada oo dagaalka soo dhammaado ku biiraya.

“Haddii aad doonaysid inay burburiso Xamaas, waa inad dishaa dhammaan Falastiiniyiinta.” ayey yiraahdeen saraakiishaas

Saraakiisha militariga Israa’iil, ayaa lagu warramaya inay taliska dhexe ku wargeliyeen dagaalkii ay kula galeen dagaalyahannada Xamaas aagga Shujaiya inay ka arkeen in Xamaas ay awood u yeelatay in ay dib u soo celiso awoodeeda ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Israel ayaa ku adkeysaneysa ineysan dagaalka Gaza joojineyn illaa ay ka baabi’iso kooxda Xamaas, isla markaana soo soo furato dadka la heystayaasha ah hase ahaatee 9 bilood ka dib hadafka Israel ayaa u muuqda mid aan la gaari karin.

Afhayeenka ciidamada Israel Daniel hagari ayaa dhowaan si cad u sheegay in Xamaas aan looga adkaarin dagaal ayna tahay koox ka dhex dhisan maskaxda falastiiniyiinta, waxaana hadalkaas uu guux ka dhaliyey shacabka Israel.

Related posts

Xildhibaannada Golaha Shacab oo soo gunaannaday kulan arrin taagan ah looga hadlayay

Cabdi Cade

Heyadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..

Caydiid Ali

Musuq Maasuqii uu galay Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ee inta uu Xafiiska Joogay!!

admin
Taboola Ads ---