Heyadda WHO oo digniin adag siisay dalal ay Soomaaliya ku jirto oo shaaciyey iney..

Ha’yadda Caafimaadka Adduunk (WHO) ayaa ugu baaqday Dowladaha Afrika inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan xilli Dalal kala duwan oo ka tirsan Qaaraadda ay dib u fureen duulimaadyada, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan iney dib u furaan.

Hadalka hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa kusoo aadaya xilli ay Dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday in Maalinta Berri ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 5/7/2020-ka ay dib u furi doonto duullimaadyada gudaha Dalka.

WHO ayaa ku baaqday in si dhab ah loo raaco talooyinka caafimaad ee looga hortaggayo fiditaanka Feyraska Corona’waxanay codsatay in shirkadaha Diyaaradaha ay la socdaan xaaladda rakaabka si loo xakameeyo safmarka.

Madaxa Ha’yadda Caafimaadka u qaabbilsan Geeska Afrika Drs,Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in duullimaadyadu ay muhiiim u yihiin dhaqaalaha Dalalaka Gobolka balse loo baahan yahay dhaqan gelinta tallaaboyinka ka hortagga cudurka.

Waxay ha’yaddu ka codsatay saraakiisha Garoomada Diyaaradaha in ay xaqiijiyaan kala fogaanshaha Dadka iyo in ay adeegsadaan dareeraha dila jeermiska.

WHO waxay sheegtay in Dalalka Cameroon, Equatorial Guinea, Tanzania iyo Zambia ay horey u bilaabeen duliimaadyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -