Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo gaadiid dagaal ka dejisay Kismaayo & qorshaha socda (Sawirro)

Taliska qeybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbaland ayaa Dekedda Magaalada Kismaayo kala soo dagay gaadiid dagaal

Gaadiidkan ayaa isugu jira noocyo kala duwan oo loogu talagalay inay isticmaalaan Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Jubbaland.

Deegaanada Jubbaland waxaa ka socdo howlgal ka dhan ah  kooxda Al shabaab oo ku sugan qeybo ka mida Jubada hoose iyo Jubada dhexe.

Gaadiidkan maanta u yimid Taliska Qeybta 43-aad waxa uu door weyn ka qaadan doona dardargalinta howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubaland ayaa dhowaan kooxda Al shabaab ka saaray degaano ka tirsan Jubada hoose, waxaana socda howgalo degaano kale looga saarayo kooxdaas.

Related posts

Muxuu agaasime Max’ed Aadan Koofi ka yiri xilka ka qaadista lagu sameeyey?

Caydiid Ali

Somalia oo dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay QM ka dib dayuuradii Kismaayo ku degtay

Caydiid Ali

R/W Talyaaniga oo baaris la galiyay kaddib markii xabsi laga daayay Osama Elmasry

Cabdi Cade
Taboola Ads ---