Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan iyo Madax kale oo reer Galbeed ah oo ka qeyb galaya shirka khariidada Nabadda ee Ukraine

Wakaallada Wararka ee Associated Press ayaa soo tebisay in Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Kenya, Ivory Coast iyo Ecuador ku biiri doonaan madax badan oo dalalka Reer Galbeedka iyo Hoggaamiyayaal kale oo ka qeyb galayo Shirka Khariidada Nabadda ee Ukraine (Ukraine peace roadmap).

Saraakiil Swiss ah ayaa marti-gelinayso Shirkaasi oo maanta oo Sabti ah ka furmayo magaalladda loo dalxiis tago ee the Bürgenstock resort ee dalka Switzerland .

In ka badan 50 Madax Dowladeed iyo kuwo Xukuumadeed iyo ilaa 200 wafdi ayaana lagu casuumay Shirkaasi.

Madaxweynaha dalka Ukraine , Volodymyr Zelenskyy ayaa xaadir ku ah Madasha Shirka, balse, Madaxweynaha dalka Raashiya, Vladimir Putin laguma casuumin Shirka ka furmayo magaalladda loo dalxiis tago ee the Bürgenstock resort city ee kaabiga ku haysa Harada Lucerne (Lake Lucerne).

Dhanka kale, Wafdiga Maraykanka waxaa hoggaaminayso Kamala Harris, halka dalalka Sacuudiga iyo Turkiye ay soo dirsadeen Wasiiradooda Arrimaha Dibedda, balse, dalalka South Africa iyo India waxay Shirkaasi u dirsadeen Wafuud heer Hoose ah (India and South Africa will be represented at lower levels).

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, RW Jarmalka, Olaf Scholz ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galayso Shirka Khariidada Nabadda ee Ukraine.

Si kastaba, Kala-bar Hoggaamiyayaasha ka qeyb galayo Shirkaasi waxay yihiin kuwo ka imaanayaan dalalka Europe.

 

Related posts

Ma laga yaabaa in  Imaaraadka iyo Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

admin

Habraaca doorashada 11-kursi oo lagu dooranayo Beledweyne oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Warar Sheegaya in la dilay Bashiir Qoorgaab iyo Dowlada oo War kasoo saareysa dilkiisa

admin
Taboola Ads ---