Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo talisyo cusub soo kordhiyey iyo Saraakiil loo Magaacabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe  Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.

Related posts

Taliyihii Saldhiga booliiska Dayniile oo shaqada laga fadhiisiyay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Daawo:-Al Shabaab oo hanjabaad u dirtay ergada dooran doona Xildhibaanada & Tuhun ka booqashada Deni..!!

Caydiid Ali

Munaasabad xariga looga jarayo Garoonka Diyaaradaha Garawe oo hada socota

admin
Taboola Ads ---