Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu yahay balanqaadka culus ee dowlada qatar u sameysay Somalia.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulankan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SoDMA waxa ay ka saacidi doonaaan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

Related posts

(Akhriso) Wasaarada Isgaarsinta DF oo shacabka uga digaysa dhul ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Kiki Gbeho (Sawirro)

Cabdi Cade

Burcad dhac u geesan jiray Shacabka Muqdisho oo xukun lagu rida (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---