Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Shiikh Shaakir oo ka hadlay Wararka sheegaya inuu Khilaaf kala dhexeeyo Madaxweyne Xaaf

Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo maanta Warbaahinta ula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa beeniyay inuu jiro Khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Xaaf, isagoo meesha ka saaray wararka arintaas la xiriira ee ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay Hoggaamiyaha Galmudug, isla markaana go’aamadda uu soo saaro ay qaadan doonaan, isla markaana ay ka dambeyn doonaan.

Sheekh Maxamed Shaakir ma soo hadal qaadin warqad dhawaan ka soo baxay Xafiiskiisa oo lagu taageerayay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aaday iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya inuu Khilaaf soo gala dhex galay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Madaxweynaha Galmudug Xaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoobtii Cadaanka aheyd oo ka baxsatay Soomaaliya kadib markii uu furay ninkii qabay !

Cabdi Cade

Mukhtaar Roobow oo markii ugu horeysay ka hadlay Xarigiisa iyo xilka loo Magacaabay

Caydiid Ali

Keating oo ka hadlay dhacdadii ugu weyneyd ee uu la kulmay mudadii uu Somalia joogay

Caydiid Ali