Mukhtaar Roobow oo markii ugu horeysay ka hadlay Xarigiisa iyo xilka loo Magacaabay

Wasiirka diinta iyo Awqaafta dowlada Somalia Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Magacaabistiisa, Xarigii loogu geystay Magaalada Beydhabo iyo wixii uu la kulmay intii uu Xabsiga ku jiray.

Mukhtaar Roobow Cali ayaa ugu horeyn u mahad celiyey Madaxweyne Xassan Shiikh, Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Madoobe iyo RW Xamza oo uu sheegay iney meesha ka saareen afduub iyo Dulmi ay kula kacday dowladii hore. ayna ku soo dareen xukuumada isagoo xor ah xili buu yiri ay dad badan arrintaas diidanaayeen.

“Waxaan u tacsiyadeynayaa markii aniga la i dulmiyey dadkii la dilay, kuwii la xirxiray iyo kuwii la dhibaateeyey, waan ka xumahay, dhibaatadaas nagu wada dhacday” ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo u mahad celiyey guud ahaan shacabka Soomaliyeed ee ka dhiidhiiyey dhibaatada isaga loo geystay wuxuuna si gaar ah u xusay Nicolas Heysam wakiilka hore ee QM u qabilsanaa Somalia oo dowladii Farmaajo ay dalka ka ceyrisay ka dib markii uu si kulul uga hadlay falkii isaga lagu xiray iyo dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Mukhtaar Roobow ayaa ku baaqay in gogol nabadeed oo dib u heshiisiin ah la dhigo magaalada Baydhabo si dhibaatooyinkii dhacay la iskaga cafiyo, wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay xabsiga sharci darada ah ee uu ku jiray mudada afarta sano ku dhow iyadoo aana lasoo taagin wax maxkamad ah.

“Waxaan soo jeedinayaa naseexo guud  oo ah meelihii ay dhibaatooyinka ka dhaceen markii aniga la i soo afduubayey ee lagu qabtay doorashooyinka boobka ahaa in la dhigo gogol nabadeed, si la isu wada cafiyo, odayaal xabsiga iigu yimid maalmihii xabsiga aan ku jiray waxaan u sheegay ineysan jirin cid aan ka aargoosan doono, aana doonayo in shacabka koonfur galbeed ay gacmaha is qabsadaan” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in dad badan oo siyaasiyiin reer Koonfur galbeed ah loo diiday iney ka qeyb qaataan doorashooyinkii dhacay, la iskana hor taagay iney tagaan degaanadii laga soo dooraa lahaa., “Waxaan rajeynayaa in dhibaatooyinkaas aysan mar kale lagu soo laaban” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkan ka jeediyey xaflad soo dhoweyn ah oo galabta loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

“Intii aan xabsiga ku jiray waxaa qolka tiilay dhalo TV ah oo lagu halmaamay meesha, waxaan daawaday dad Baydhabo ku banaanbaxayey oo sawiradayda watay, kuwaasoo lahaa Free Roobow, runtii aad bay i dhiirigelisay, waxaana ogaaday inaan la i iloobin” ayuu yiri Mukhtaar Roobow oo intaas ku daray in xabsiga uu yahay meel dhib badan, uuna ku baaqayo in la hubiyo dadkaa xabsiyada ku xiran.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -