Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney markii ugu horeesay Madax ka noqotay Maxkamada ugu sareysa Itoobiya

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeesay waxa uu haweeney u magacaabay in ay madax ka noqoto Maxkamada ugu sareysa dowlada Federaalka ee Itoobiya.

Meaza Ashenafi oo ahayd qareen dhanka xuquuqda aadanaha ayaa noqotay haweeneydii ugu horeesay ee Madax ka noqota Maxkamada ugu sareysa dalka Itoobiya, waxa ayna haweeneydan sanado badan kusoo jirtay dhinaca garsoorka .

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay in Meaza Ashenafi ay noqoto Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Itoobiya, waxaana Baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyay Meaza Ashenafi  kadib markii Baarlamaanka ansixiyeen.

Haweenka ayaa awood muuqata hada ku dhax leh dowlada Itoobiya, waxaana dhawaan dalkaasi markii uguy horeesay Madaxweyne ka noqotay haweeney halka golaha Wasiirada lagu soo daray haween badan oo wasaarado muhiim ah loo dhiibay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Hobyo Ma ogola dadkeedu in Heshiis Itoobiya lagula galo Dekedeeda”

Caydiid Ali

Daawo:-Rajo xumo laga muujiyay shirkii Muqdisho & Gabadhii laga soo tuuray dabaqa oo..

admin

Hadal uu jeediyay Madaxweyne Gaas oo caro badan dhaliyay iyo Jawaabo laga bixiyay!!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---