Maamulka Israa’il ayaa soo saartay amar ku socda kumanaan muhaajiriin Afrikaan ah oo dhulkooda ku nool, kuwaa oo lagu amray in Israa’iil uga baxaan Sadex bil gudaheed.
Dadkan ay amartay Israa’iil in dalkeeda ka baxaan ayaa ah Muhaajiriin Afrikan ah oo loo diiday in magan galyo laga siiyo Israa’il, dadkan ayaana badankood kasoo jeeda dalalka  Eritereya iyo Sudaan.
Qoraal kasoo baxay waaxda bulshada iyo socdaalka Israa’iil ayaa lagu amray kumanaan Muhaajiriin ah in mudo sadex bil gudahooda uga baxaan Israa’iil hadii kale ay wajihi doonaan xabsi.
Israa’iil ayaa sheegtay in qof kasta oo doonaya in dalkiisa ku laabto ama ogolaada in la geeyo dalalka Uganda iyo Rwanda la siin doono lacag gaareysa 3,500 Dollar si uu wax ugu qabsado.
Amarkan kasoo baxay Israa’il ee dadka Muhaajiriinta dalkooda uga saareyso ayaa la sheegay on uusan saameyn doonin  caruurta iyo dadka waaweyn, dhibanayaasha adoonsiga iyo kuwa la kulmay dhibaatada tahriibta.
Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga iyo Ururo u dooda xaquuqda aadanaha ayaa sheegay in amarkan kasoo baxay Israa’il ee Muhaajiriinta lagu musaafirinayo uu wax u dhimayo Shuruucda caalamiga ee dhinaca Qaxootiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com