Caa’isha Silvia Romano oo guursatay nin iyada darteed u qaatay diinta Islaamka

Caa’isha Silvia Romano oo aheyd haweeney Talyaani ah oo u afduubneyd balse la sii daayey sanadkii 2018 ayaa la sheegay inay guursatay nin iyada darteed u islaamay

Haweeneydan ayaa ka guurtay gurigii ay ka daganayd magaalada Milan, ka dib markii baraha bulshada loo mariyay aflagaado iyo hadallo badan oo ka dhan ah gabadhaas qaadatay diinta Islaamka intii ay ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Paolo P. oo ah ninka guursaday Caa’isha Romano ayaa horey u haystay diinta Masiixiga hase ahaatee dhowaan ayuu qaatay diinta Islaamka, waxayna isku guursadeen si waafaqsan shareecada Islaamka sida ay qortay warbaahinta Talyaaniga.

Lamaanahan ayaa la sheegay inay lahaayeen xiriir qaatay waqti kooban, ka hor inta aysan isguursanin, balse waxay is garanayeen tan iyo yaraantoodii.

Gabadhan oo ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxaa laga afduubtay Kenya, bishii November 2018-kii, waxaana la siidaayay bishii May 2020. Waxaa lagu haystay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -