Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Booliiska oo lagu bogaadiyay dadkii dhaqanxumada waday ay ku xir xireen Muqdisho (Sawirro)

Qaar kamid ah culimada  Soomaliyeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta booqdey xarunta taliska ciidanka booliiska , waxa ayna bogaadiyeen shaqada ay ciidanka u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxa ay culimadan soo dhaweeyeen go’ aankii booliiska ku cir xireen dadkii magaalada ka waday anshax-xumada iyo sidoo kale kicinta bulshada iyaga oo qabyaalad isticmaalaya.

Culimada ayaa taliska ciidanka boliiska Soomaaliyeed ku amaaney doorka shariif ah ee ku aadan la-dagaalanka faafinta anshax-xumada iyo dadka colaada qabiil ka abuura baraha bulshada

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed ayaa taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmad Firin ku amaaney go a’aankiiisi ahaa in qofka xaafidul Quraanka ah ee ka mid noqonaaya ciidanka booliiska Soomaaliyeed uu la mid yahay qof Haysta shahaado dugsi sare ah ;

Taliyaha Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa dhankiisa culimada ka codsadey in ay gacan ka geystaan wacyi-gelinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in ciidanka booliiska Soomaaliyeed u taagan yahay cidkasta Oo anshaxa bulshada suurad xumeysa in gacan bir ah ku qabtaan.

l

Related posts

Soomaalida ku nool dalalka qurbaha oo bilaabay abaabulka dibed baxyo waaweyn

Caydiid Ali

Farmaajo oo balan uga baxay Qaar kamid ah Musharaxiintii uu la tartamay (Maxaa lagu balamay)

admin

Ciidan cusub oo sugaya amniga magaalada Muqdisho oo la dhaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade