Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo aqoonsi siiyey sadex degmo oo lagu soo daray gobolka Banaadir

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Max’uud ayaa dikreeto ku soo saaray in ku aqoonsaday saddex degmo oo cusub kuwaasoo ka mid noqonaya gobolka Banaadir

Gubadley, Daarusalaam iyo Garasbaaley ayaa loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa intaas ku daray in Degmooyinka aqoonsigaan ku helay kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudaha degmonimo ee looga baahan yahay.

Related posts

Jocob Zuma oo Xabsiga laga sii daayay kana hadlay waxa uu dareemay markii la daayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Caawa guddomiyey shir Amni oo laga soo saaray 9-qodob

Cabdi Cade

Shaqaale Mushaar ahaan loo siiyay Bulukeeti iyo dood ka dhalatay Arintaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---