Allbanaadir.com
NEWS

Labo Taliye oo katirsan ciidamada RSF oo cunaqabateyn la saaray iyo waxa lagu heesto

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn cusub kusoo rogtay labo taliye sare oo katirsan ciidamada gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF, kuwaa oo dagaallo kula jira ciidamada milatariga ee dowladda Sudan.

Waaxda maaliyada ee dalka Maraykanka ayaana cunaqabateyn adag kusoo rogtay labada taliye ee katirsan RSF, kuwaa oo hoggaaminaya ciidamada RSF ee howlgalka ka wada waqooyiga Sudan , gaar ahaan gobolka Darfur.

Labada taliye ee lagu soo rogay cunaqabataynta oo lagu kala magacaabo Cali Yacquub oo ah taliyaha ciidanka RSF ee bartamaha Darfur iyo Osman Maxamed Xaamid Maxamed oo ah madaxa hawlgalada ee ciiddanka RSF, ayaa lagu eedeeyay dilal iyo tacadiyo kale.

Gobolka Darfur ayaa la sheegay in ciidamada RSF ay beegsanayaan ayna dilayaan dadka aan carabta aheyn ee halkaasi kunool, waxaana lagu eedeeyay ciidamada RSF in ay dileen dad badan oo shacab ah kuwa kalana ay barakiciyeen.

Dalka Sudan colaada ka aloosan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah, waxaana ciidamada RSF iyo kuwa milatariga ee dagaalku u dhaxeeyo lagu eedeeyay in ay geesteen gabood fallo ka dhan ah bini’aadannimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Nin fal argagax leh ka geestay afaafka hore ee Safaaradda Israa’iil ee ku taalla Washington

Cabdi Cade

Guddi taakuleeya Ciidamada Deegaanka ee ka dagaalamaya Hirshabelle oo la magacaabay

Cabdi Cade

Ciidamada Mareykanka oo tababar u xiray Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---