Saami-qeybsiga 4.5 waxa uu u daadagey hoos ilaa uu gaaray masaajiddii !!!

Saami-qeybsigan 4.5, waxa uu soo if-baxay xilligii Soomaalidu ku heshiineysey tuulada Carta ee dalkaas Jabuuti, dawladdii halkaas lagu dhiseyna nidaamkaas ayaa wax loogu qeyb-sadey. Wixii intaas ka dambeeyey, waxa ay noqotey hal-beeg la isla og yahay, oo ilaa maanta maamulka dawladeed lagu qeyb-sado.

Hadda, ka sokow awood-qeybsida dawladda, wuxuu u daadegey hoos, oo wax kasta oo koox Soomaali ah soo dhex mara 4.5 ayaa lagu qeyb-sadaa; haddii macaawino la qeybinayo, haddii maamul degmo loo sameynayo iyo xitaa haddii fasal dugsi ka mid ah maamul yar loo samaynayo. Waxaa se taas ka daran in uu masaajiddii galay.

Waxaa dhacday waa dhaweyto, in masaajid ka mid ah masaajidda Soomaaliya ku yaalla, ay culimo isku qabsatey maamulkiisii, waxa uuna gaaray in masjidkii loo xiro murankaas dartiis. Waa la soo dhexgalay culimadii, waxaana gartii galay wadaaddo kale iyo odayaal kala duwan.

Markii la dhageystay dooddii, waxaa la ogaaday in dadka isku haysta masjidka ay yihiin labo qabiil oo keliya, taas oo dood kale dhalisay, maaddaama ay khalad dadkii ula muuqatey in masjid Soomaali ka dhexeeya ay labo qolo isku qabsato. Waxaa gartii lagu naqay in saamiga caan baxay ee 4.5 lagu qeysado maamulka masaajidka. Qolo waxa ay qaadatey imaamkii, qolana mu’addinkii, qolo kale waxaa la siiyey khadiibka Jimcada, kuwana waxa ay qaateen sheekha masjidka kitaabka ka raaca, kuwana waxa ay saami u heleen aruurinta sadaqada masaajidka loogu yabooho.

Balo waxa ay ka dhacdey, marka qoladii uu ku soo aadey sheekhii masjidka kitaabka ka akhrin lahaa ay ka weydey magaalada sheekh wax akhrin kara, waxa ayna ku andocootey in sheekh weyn uusan hadda magaaladan u joogin, oo uu gobol ka jiro, sidaas darteed, inta sheekhaasi ka imaanayo aanan masjidka qole kale kitaab ka akhrin karin! Inta ay sheekhaas ku maqnaayeen, oo ay gaaraysay saddex bilood masaajidkaasi kitaab lagama akhrin.

FG: Qoruhu muhiim uma arag, in uu carrabaabo magaca masjidka iyo halka uu ku yaallo.

Suldaan Nayruus

nayruus@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -