Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Wasiir Juxa iyo Masuuliyiin kale oo tagay Xadka Kenya Darbiga ka dhisaneyso

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ay wehliyaan Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa saakay booqday xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan gaar ahaan dhinaca Balad Xaawo.

Wasiir Juxa iyo Xubnaha la socda ayaa soo arkay goobta Dowlada Kenya dooneyso in darbiga ka dhisto iyo waliba dhulka Kenya ay dooneyso in ay ka boobto shacabka Balad Xaawo kuna darsato dhulkeeda.

Waxa uu sheegay Wasiirka in xiisadan ka dhalatay xadka uu rajeenayo in si farsameysan loo dhameeyo, waxa uuna intaa ku daray in rajo wanaagsan ka qabaan in xal wanaagsan laga gaaro arintan.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sido kale degmada Balad Xaawo kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland iyo Wasiiro katirsan maamulkaasi, waxa ayna kawada hadleen sida ugu haboon ee arintan xal looga gaari karo.

Kenya ayaa dooneysa in ay gudaha usoo gasho xadka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Balad Xaawo si ay darbi uga dhisato, waxaana tilaabadaasi si geesanimo leh uga hortagay shacabka ku dhaqan Degmada Balad Xaawo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo la kulmay wafdi uu horkacayey MP. Gavin Williamson (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Wadahadal la yeeshay James Swan & Xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo ka dhex dagaalamaya hotelka SYL iyo Rasaas weli ka socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---