Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo taageerada ka joojiyey Ciidanka Danab ka dib fadeexad soo shaac baxday

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku lug  yeeshay nusuq lagula kacay saadka ciidanka Danab gaar ahaan raashiinka ka dib baaritaano la sameeyey.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mareykanka uu hakiyey taageerada Raashinka uu siinayay ciidamada DANAB, sabab la xariirta musuq-maasuq soo shaac baxay.

Saadka Ciidanka kumandoska Danab iyo mushaharkaba waxaa bixiya dowlada Mareykanka, waxaana War saxaafadeedka lagu sheegay in natiijada baaritaanka lala wadaagay saraakiisha Mareykanka ee tababarada siiya ciidankaas.

Wasaaradda ayaa shaacisay in baaritaanku socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

HOOS KA AKHRISO QORAAALKA WASAARADA

Related posts

Kenya oo go’aan ka soo saartay ciidamada ka jooga Somalia iyo Axmed Madoobe oo..

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda oo madax kala duwan kula kulmay Washington

Cabdi Cade

W/Kuuriya oo soo bandhigtay ICBM Missile & Maraykanka oo ka naxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---