(Sawirro) Xabaal wadareed weyn oo laga helay goob ay ka baxeen ciidanka Israel

Xabaal wadareed ay ku jiraan ku dhawaad ​​300 oo meyd ah ayaa laga helay cisbitaalka Naasir ee koonfurta Qaza sida ahy sheegeen shaqaalaha difaaca madaniga ah ee Gaza,kadib markii ciidamada Israel ay ka baxeen aagaasi 7-dii April.

“Waxaan ka soo saarnay 283 meyd oo shahiid ah oo ku jiray xabaal wadareedkii ku yaal barxadda Isbitaalka Nasser Medical Complex tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Israel,” Kornayl Yamen Abu Suleiman, oo ah Agaasimaha Difaaca Madaniga ee Khan Younis, ayaa u sheegay CNN Isniintii.

Magaalada Khan Younis ayaa burburtay ka dib markii ay Israa’iil weerar ku qaadaysay muddo bilo ah.

Suleymaan ayaa ku andacooday in meydadka qaar la helay iyagoo ka xiran gacmaha iyo lugaha.

“Waxaa jiray calaamado muujinaya in goobta dil xasuuq ah ah lagu fuliyay, ma garanayno in la aasay iyagoo nool iyo in la toogtay” ayuu yiri.

Mid ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa ayaa CNN u sheegay in uusan wali helin meydka wiil uu dhalay oo 21 jir ah oo la dilay bishii Janaayo uuna badi goobayo.

Israa’iil waxay sheegtay inay eegayso warbixinnada laxiriiro xabaal wadaredyada. Ciidamada Israel ayaa ka baxay Khan Younis labo todobaad ka hor ka dib dagaal xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta caafimaadka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

- Advertisement -