Allbanaadir.com
NEWS

Weerar culus lagu qaaday Xubno katirsanaa Al Shabaab oo weerar qorsheenayay iyo Khasaaro..

Diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaan ay isku aruursanayeen dagaallamaal katirsan Al Shabaab , oo la sheegay in ay qorsheenayeen weerar ka dhan ah ciidanka dowladda.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaan lagu magacaabo Baraag Gurguurte oo qiyaastii 20-km u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday dagaallamayaashii joogay iyo gaadiidkooda dagaalka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu laayay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab, waxa ay sidoo kale sheegeen in halkaasi lagu gubay gaadiidki dagaalka ay wateen kooxda Al Shabaab.

Deegaanka weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in Al Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ku gurayeen dagaalyahanno iyo hub kala duwan, waxaana halkaasi lagu diyaarinayay weeraro ka dhan ah ciidanka huwanta ah ee jooga Xarardheere.

Al Shabaab ayaa isku dayeesa in ay dib ula wareegaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas ay ku fara adeegayaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo horey Al Shabaab uga saaray degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Dagaal warbaahinta ku dhexmaraya Xildh. Xiddig & Jeesow oo meel halis ah gaaray

Caydiid Ali

Rotterdam: Arday hubeysan oo toogasho ku dilay Macalinkiisa iyo dad kale

Caydiid Ali

Shiikh caan ah oo sheegay inuu dacwad ku soo oogayo Taliyaha ciidanka Booliska Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---