Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirada Puntland oo ku qulqulaya Itoobiya ka dib go’aankii dowlada Somalia (Sawirro)

Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Duulista Hawada  Puntland ayaa la kulmay Wasiir-dowlaha Gaadiidka Itoobiya, Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Hawada ee dalkaas, Mr Getachew Mengistie iyo Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin tasew Bekele.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Addis Ababa iyo Garoowe iyo kor u qaadista duulimaadyada diyaaradda Itoobiya ee Boosaaso iyo Garoowe, iyadoo la soo kordhinayo  Duulimaad xammuul ah.”

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay  hakisay xiriirkii ay la lahayd Itoobiya, dalkana ay ka ceyrisay Safiirkii Itoobiya ee Muqdisho.

Maalmo ka hor ayey markii Wafdi ka socda dawlad goboleedka Puuntland ay gaareen dalka Itoobiya, waxaana horkacayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohamed farah Mohamed.

Mudane Meganu Arga oo ka tirsan Wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa qaabilay wafdiga. Sidoo kale waxaa lagu soo daabacay bogga sawirada kulanka dhex maray labada dhinac oo heshiisyo lagu kala saxiixday

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa kulankaas ka dib soo saartay go’aan diblomaasiyad ahaan saamaynaya xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo ku dhawaaqday inay xirtay qunsuliyado ay Itoobiya ku leedahay Hargeysa iyo Garowe, halka safiirka Itoobiya u joogay Somalia ay fartay inuu 72 saac gudahood dalka kaga baxo.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay in ay xiriirka u jartay dawladda federaalka Soomaaliya kadib markii la ansixiyay waxkabadalka dastuurka Soomaaliya oo ay si weyn uga soo horjeeday.

Related posts

Dowladaha Masar iyo Somalia oo qalinka ka duugay Saddex heshiis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabeelle oo loogu baaqay in uu Is casilo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo tagay fariisimaha ciidanka Huwanta ka joogaan Xarardheere (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---