Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Israel oo laayey samafalayaal u kala dhashay UK, Australia, Canada & USA

Kooxda gargaarka ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee World Central Kitchen ayaa xaqiijisay in toddobo ka tirsan shaqaalaheeda ay Israel  ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo laga sameeyay Gaza .

Hey’adda ayaa sheegtay in shaqaalahaasi  lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen Israel,waxaana dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Falastiin, Australia, Poland, UK, iyo labo heysta dhalashada Mareykanka iyo Canada.

Kooxda World Central Kitchen  waxay millatariga Israa’iil ugu baaqeen inay joojiyaan dilka aan kala sooca lahayn ee Gaza loogu geysanaayo dadka ratidka ah iyo shaqaalaha gargaarka.

Maamulka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in cisbitaalka al-Shifa ee Gaza la burburiyay maalin ka dib markii ciidamada Israel ay ka baxeen dhismahaasi ,kuwaas oo laba todobaad halkaasi ka waday weerar lagu beegsanaayo dadka rayidka.

Sarkaal u hadlay Iiraan ayaa sheegay in Israa’iil ay weerartay dhismaha qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dileen dhowr qof, oo uu ku jiro taliye sare.

Ugu yaraan 32,845 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 75,392 oo kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Qoorqoor oo furay kalfadhiga Baarlamanka Galmudug, wacadna ku maray..

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo xabsi ku yaalla Addis ababa ku booqday Cabdikariim Qalbi dhagax (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali