Warar kala duwan oo kasoo baxaya xaalada iyo halka uu joogo Madaxweyne John Magufuli

Dalka Tanzaaniya ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayay xaalada Madaxweynaha dalkaasi  John Magufuli, oo la sheegay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus loona qaaday isbitaal kuyaala dalka dibadiisa.

Warbaahinta dalka Tanzaaniya iyo warbaahino kale ayaa tabiyay in Madaxweyne  John Magufuli, uu ku jiro xaalad adag kadib markii uu ku dhacay cudurka Caronavirus kaa oo keenay in loo qaado dalka Hindiya.

Warkan laga baahiyay xaalada Madaxweynaha dalka Tanzaaniya ayaana hadal heyn badan ka abuuray gudaha dalkaasi, dadka qaar ayaana tilmaamay in xaalada Madaxweynaha meel xun gaartay ayna dowlada qarineyso xaaladiisa iyo halka uu joogo.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Tanzaaniya  Kassim Majaliwa, oo shalay ka hadlay masjid kuyaala dalkaasi ayaa sheegay in xaalada Madaxweynaha ay aad u wanaagsan tahay, waxa uuna tilmaamay in dalka joogo si caadi ahna shaqadiisa u wato.

“Reer Tanzania is dejiya, madaxweynihiina wuu joogaa, wuu shaqeynayaa, xaaladdiisa caafimaadna wey wanaagsan tahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalka Tanzaaniya Kassim Majaliwa.

Dowlada Tanzaaniya uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalkaasi ayaa dafirtay halista uu leeyahay cudurka Caronavirus, waana mida hada keentay hadal heynta badan kadib markii uu cudurkaasi ku dhacay Madaxweynaha xaalad adagna galiyay noloshiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -