Allbanaadir.com
NEWS

Golaha ammaanka oo loo gudbiyey qaraar mamnuucaya in hub nukliyeer ah la geeyo…

Maraykanka iyo Japan ayaa Isniintii u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay hindisaha qaraar qabyo ah, kaas oo ku saabsan in dalalka caalamku ay u hoggaansamaan heshiiska mamnuucaya in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, fariintaas oo u muuqata inay ku socoto dalka Ruushka.

Washington ayaa aaminsan in dalka Ruushku uu horumarinayo qorshe uu doonayo inuu hawada sare ku geeyo gantaallada xambaara hubka nukliyeerka, taas oo haddii ay qarxaan, khalkhal gelin karta dhammaan dayax-gacmeedada kala duwan ee fududeeya isgaadhsiinta kala duwan, oo ay ku jirto tan milaterigu.

Ruushka oo qayb ka ahaa heshiis la gaadhay sannadkii 1967-kii kaas oo mamnuucayey in hawada sare la geeyo hubka nukliyeerka ayaa hore u sheegay inay ka soo horjeedaan in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare.

Wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa ku gacansaydhay inay horumarinayaan, hub noocaas ah. Heshiiskaas hore wuxuu mamnuucayaa in hubka nukliyeerka la geeyo hawada sare, hase ahaatee ma mamnuucayo in la horumariyo, hub la geyn karo hawada sare.

Qaraarkan qabyada ah waxaa soo wada jeediyey, dalka keliya ee isticmaalay hubka nukliyeerka oo ah Maraykanka, iyo dalka keliya ee loo isticmaalay hubka nukliyeerka ah oo ah Japan, waxayna dalalka caalamka ugu baaqeen inay mamnuucaan in hub la geeyo hawada sare, sidoo kalena la mamnuuco in la samaysto hub hawada sare la geyn karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Farmaajo oo xeer ka soo saaray musuqa dhulalka danta guud xilliga doorashada

Caydiid Ali

Faah Faahino kasoo baxaya Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

admin

Xamaas oo diiday Heshiis Xabbad-joojin iyo Maxaabiis is dhaafsi ah iyo dagaal qaraar oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---