Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la wareegay gaadiid dagaal (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxyadiin ayaa Maanta la wareegay Gaadiid dagaal oo loogu tala galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gaadiidkaan Gaashaman oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada la wareegida gaadiidkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 14 October ee Ciidanka XDS  G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey).

Guutada October ayaa ka mid ah guutooyinka XDS ee Howlgalka adag ee ka dhanka ah Al shabaab ka wada Gobalka Sh/Hoose, lama sheegin cida ku deeqday gaadiidkan.

- Advertisement -