Sheekh Shariif oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Garawe (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kasoo kicitimayay magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Sheekh Shariif waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baralamaanka federaalka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Garawe uga qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

Magaalada Garawe ayaa maanta ah mid aad u mashquul badan, waxaana magaaladaasi ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya iyo labadii Madaxweyne ee xilka uga horeeyay iyo madax kala duwan oo ka qeyb galeysa Caleemo saarka Madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -