Xubno Shabaab ah oo xalay weerar lagu dilay Nabadoon ka fuliyay Muqdisho oo nolosha lagu qabtay

Koox hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Burdheere Saciid oo katirsan degmada Dayniile, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo ciidan deegaanka joogay.

Weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Burdheere Siciid ayaa lagu dilay nabadoon  dhawaan deegaankaasi lagu caleemo saaray oo lagu magacaabayay Cabdi Xasan Muxidiin iyo nin kale oo ilaalo u ahaa.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka deegaanka ayaana iska caabiyay kooxdii weerarka kusoo qaaday, waxa ayna halkaasi ku dileen mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday, iyaga oo sidoo kale nolosha ku qabtay labo kamid ah kooxda Al Shabaab .

Xarunta dambi baraista CID-da ayaa saakay la geeyay meydadka nabadoonka la dilay iyo ninkii ilaalada u ahaa, waxaa sidoo kale xarunta CID-da la geeyay meydka ninkii Al Shabaab katirsanaa ee isna weerarka lagu dilay.

Ciidanka dowladda ayaa saakay howlgalo kawada deegaanka Burdheere Siciid ee degmada Dayniile, waxa ayna halkaasi ka raadinayaan raggii Al Shababa katirsanaa ee xalay weerarka kusoo qaaday deegaankan katirsan Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -