Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Erdogan oo gacan ka geesanaya Xal u helida Colaada Tigrey

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa uu shaaciyey inuu taageero dhexdhexaadin ka geyaanayo sidii loo soo af-jari lahaa Colaadda ka socota Gobalka Tigrayga ee Waqooyiga Ethiopia.
 
Erdogan waxa uu arrinkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ku qabteen magaalladda Ankara, kadib, markii ay yeesheen Kulan Khaas ah.
 
Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay Nabadda iyo Isdhexgalka muhiim tahay, isagoo dhanka kale ka digay haddii ay xaallada Gobalka Tigrayga sii darto inay waxyeellada saamayn doonto dhamaan dalalka deriska.
 
“Ka Turki ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan samayno qaaraan kasta oo lagu xalinayo Mashaakilka Gobalka Tigrayga, oo ay ku jirto Dhexdhexaadinta” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
 
Dhanka kale, Dowladdaha Turkiga iyo Sudan waxaa ka dhexeeya Xiriir saaxiibtinimo, waxayna Labada Hoggaamiye isku dhaceen in la xoojiyo Iskaashigoda Dhaqaale iyo Ganacsi.
 
Abiy Ahmed eaxa uu sheegay in Xiriirka labada dal ku dhisan yahay Xushmad iyo Rabitaan, balse, labada Hoggaamiye ma shaacinin wax ku Aadan Heshiiska ay wada gaareen.
 
Waqooyiga Ethiopia waxaa wiiqay colaad soo bilaabantay bishii November ee sanadkii hore ee 2020-kii, kadib, markii uu RW Abiy Ahmed ciiddamo u diray Gobalka Tigrayga oo uu ka dhisnaa Maamul hoos tags Xibigii TPLF.
 
Tobanaan kun oo qof ayaa ku barakacay dagaalka, kuwaasi oo Magan galay Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla Gudaha dalka Sudan halka ay 400,000 oo kalena ku macluulsan yihiin Gobalka Tigrayga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisi hore iyo Hooyadeed

Cabdi Cade

Doorashada labo ka mid ah kuraasta Aqalka sare oo caawa ka socota Magaalada Jowhar

Caydiid Ali

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---