Gantaal lagu tilmaamay Hubka dunida ugu awooda badan oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Dowlada Waqooyiga Kuuriya oo mudooyinkii ugu dambeeyay hormarin ku waday hubka nucyadiisa kala duwan ayaa hada soo saartay gantaal nuuc cusub ah oo dunida hadal heyn badan ka abuuray.

Dhoolo tus milatari uu goobjoog ka ahaa Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo bandhigay gantaal cusub oo badda hoosteeda ka dusa, waxaana Warbaahinta Kuuriyada Waqooyi ku tilmaantay gantaalkan midka ugu awooda badan dunida xiligan.

Gantaaladan cusub oo dowlada Kuuriyada Waqooyi soo bandhigtay oo gaaraya ilaa afar gantaal ayaa nuucooda isugu jiray madow iyo cadaan, waxaana gantaaladan yihiin kuwa casri ah oo awood badan leh.

Khuburada ku xeel dheer gantaalada ayaa sheegay in gantaaladan cusub ay soo bandhigtay Kuuriyada Waqooyi yihiin kuwa nuuc cusub ah oon horey loo arag, waxaa sidoo kale dhoolotuska lagu soo bandhigay hub kale oo casri ah.

Gantaaladan cusub ee soo bandhigtay Kuuriyada Waqooyi ayaana hadal heyn badan ka abuuray dunida, waxa ayna gantaaladan soo bandhigidooda kusoo aadayaan xili talada dalka Mareykanka dhawaan la wareegayo Madaxweyne Joe Biden.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -