Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada labada Aqal oo ka dooday Mabaadi’ida guud ee dib u eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaan shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhiga afaraad kulanka 11-aad ee labada aqal ayaa maanta ajandihiisu ahaa dib u eegista dastuurka:

(B) Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga.

(T) Qeybinta shintiriska jadwalka dooda.

(J) Warbixinta guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga ee wadajirka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo Wareegto ku Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka..(Akhriso)

Caydiid Ali

Aroosyo ka dhici lahaa Muqdisho oo baaqday iyo Dowlada Soomaaliya oo Sabab u noqotay !!

Cabdi Cade

Wasaaradda Amniga Puntland oo qiratay Dilka Axmed Saxane Ballanqaadna sameysay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---