Nin Macalin iskuul ahaa iyo darawal siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Nin Macalin ah ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay Gudaha iskuul ku yaalla Dagmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Ex-garaashkii Muuse Suudi duhurnimadii maanta.

Waxaa Dilka geystay Wiil bajaajle ah oo la sheegay in Walaashiis ay ka mid tahay Ardayda Schoolka dhigata sida dad goob joogayaal ah sheegayaan

Wiilka Falkan geystay ayaa Toorey u adeegsaday Dilka Macalinka waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaan sababta dilkan keentay.

Qaar ka mid ah ardayda iskuulka ayaa sheegay in dilkan uu yimid ka dib markii ninka dilka geystay ay walaashiis u soo dacwootay, iyadoo cabasho ka ah macalinka oo la sheegay inuu Iskuulka ka eryey qaladaad ay gashay awgeed, una diray iney keento waalidiinta dhashay.

Macalinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ustaad Abdirahman Maclow Abiikar.

Dilaaga ayaa baxsaday, ciidamada ammaanka ayaana wada howlgal lagu raadinayo ninka dilka geystay, waxaana la xiray gabadhii sababta u aheyd dilka macalinkeeda sida wararku nagu soo gaarayaan.

Dhinaca warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ay wadada warshaadaha gaar ahaan agagaarka Ifka xalane ku dileen nin darawal ka ahaa gaari wadada marayey ka dib markii uu maqli waayey amar ay siiyeen oo ahaa inuu joogsado sida wararku nagu soo gaarayaan.

Laamaha amaanka DF ayaan weli a hadlin falalkan dilalka ah ee maanta ka dhacay Muqdisho oo qeyb ka ah dilalka joogto ah oo maalmahan ku soo badanayey magaalada.

- Advertisement -