Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo beenisay Warar lagu faafiyey baraha bulshada

Ganacsade ka soo jeeda Somaliland oo jooga magaalada Hargeysa ayaa fariin uu ku faafiyey baraha bulshada ku eedeeyey dowlada Somalia iney hawada hargeysa ka celisay dayuurad ambalaas ah oo qaadi laheyd walaalkiis oo madaxu dhiig kaga furmay si loogu qaado magaalada Addis ababa.

Ismail Ahmed oo ah gudoomiyaha shirkadda ka shaqeysa xawaaladaha Onlineka ah ee WorldRemit in talaabadan ay ka baxsan tahay bani aadamnimada.

Ganacsadahan ayaa mudooyinkan baraha bulshada ka fidinayey dacaayado ka dhan ah dowlada Somalia, isagoo taageeraya heshiiska qeyb ka mid ah badda Somaliland lagu siinayo Itoobiya.

Hase ahaatee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay ineysan jirin dayuurad ambalaas ah oo maanta la soo xiriirtay ama laga celiyey hawada Somalia.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GANACSADAHA IYO MIDKA HEYADA DUULISTA RAYIDKA SOOMAALIYA

Related posts

Muxuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia kala hadlay Jean-Pierre Lacroix?

Caydiid Ali

Nin sheegtay inuu Nebi yahay oo garaacis iyo xabsi la isugu daray

Caydiid Ali

Eritrea oo farta ku fiiqday Dalal ka shaqeenaya xumeynta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya

Cabdi Cade