Nin la yiraahdo Belay Biftu oo ku noolaa degmada Limu ee galbeedka Itoobiya ayaa Isniinti shil ku geeriyooday, balse qoyskii ninka dhintay oo tacsi u fadhiya ayaa waxaa goobtii tacsida ka kacay nin sheegtay inuu nabi yahay oo uu soo nooleynayo tacsidiisa loo fadhiyo
Marki reerkii uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada aaday qabuuraha dadka diinta kirishtanka aaminsan lagu aaso oo uu ninku ku aasnaaa.
Ninkan nabinimada sheeganayo oo lagu magacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faago si uu howshiisa uu u wato.
Meydka marka la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu meydka ku jira marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey.
Ugu dambeynti, ninki nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkina wuxuu yiri “waxba lama sameyn karo”, markiiba wuxuu isku dayay inuu goobti ka dhaqaaqo waxaase ninkan waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay gacan qaad ayaana halki ka dhacay.
Markiiba goobtii waxaa yimid boolis warka la gaarsiiyey ninkii beenaalaha ahaa oo sida loo garaacayey in la dilo qarka u saaraan ayay ka soo gaareen, Booliska degmada limu ayaana ninki hadda gacanta ku haya.
Ninkanna shaqadiisu rasmiga ah waxaa la ogaaday inuu yahay xirfadle caafimaad oo ka shaqeeyea xafiiska caafimaadka degmada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho SomaliaÂ
Allbanaadir@live.com