Iran oo u digtay Mareykanka ka dib weeraradii uu ka fuliyey Siiriya & Ciraaq

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa cambaareysay duqeymaha aargoosiga ah ee Mareykanka uu ka wado Ciraaq iyo Suuriya, waxaana ay ka digtay xasillooni darrada ka jirta Bariga Dhexe.

Bayaan uu soo saaray, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Nasser Kanaani, ayaa sheegay in Iran “ay u aragto weerarrada kuwo xadgudub ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Ciraaq iyo Suuriya, sharciga caalamiga ah iyo xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”

Duqeymahan cirka ah ayaa ah khalad kale oo istaraatiiji ah oo ay gashey dowladda Mareykanka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in aysan jiri doonin “natiijo kale oo aan ahayn sii xoojinta xiisadda iyo xasilloonida gobolka.”

Weerarada Mareykanka ayaa ka muhiimsan weeraradii hore ee lagu qaaday maleeshiyaadka ay Iran taageerto dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay, kuwaas oo inta badan diirada saarayay keydadaka hubka ama xarumaha tababarka.

Millatariga Mareykanka ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku beegsaday in ka badan 85 bartil maameed oo ku kala yaalla gudaha Suuriya iyo Ciraaq. Bartilmaameedadan ayaa u badnaa saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran iyo malleeshiyaadka ay taageerto dowladda Iran.

Weeraradan uu qaaday Maraykanku ayuu uga aargudanayay duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo Axaddii lasoo dhaafay lagu weeraray saldhig qarsoodi ah oo uu ku leeyahay dalka Urdun, gaar ahaan meel u dhaw xadka Suuriya. Weerarkaasi ayaa lagu dilay 3 askari oo Mareykan ah halka lagu dhaawacay in ka badan 40 kale.

Duqaymahan cusul ee Maraykanku qaaday ayay la beegsadeen, talisyo ciidan, xarumo ay ku shaqeeyaan mukhaabaraadku, keydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, xarumaha rasaasta, qeybaha gantaallada iyo xarumo kale oo ay adeegsanayeen malleeshiyaadka hubeysan ee taageerada ka hela dowladda Iran iyo ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo duqeynta ka hadlay ayaa bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in ay jiri doonaan duqeymo kale oo cirka ah oo ay fulin doonaan.

- Advertisement -