Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo furay kalfadhiga Baarlamanka Galmudug, wacadna ku maray..

Munaasabad lagu furiyey Kalfadhiga 9-aad ee ee Golaha Wakiilada GalmudugĀ  ayaa Maanta ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 9aad ee Baarlamaanka 2aad ee Galmudug ayey Maanta si wadajir ah u fureen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dr Maxamed Nur Gacal, Madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.

Guddoomiyaha oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa u Hambalyeeyey Xulka Kubadda Cagta Galmudug iyo Guulihii ay soo hoyeen, kadib Guddoomiyaha ayaa Khudbadiisa ku xusay Guulihii Shaqo ee uu gaaray Goluhu 4tii sano ee uu jiray iyo Hawlaha u Qorsheysan Kalfadhiga 9aad ee Maanta furmay.

Madaxweynaha Galmudug oo isna Khudbad ka jeediyey ayaa u Mahad-celiyay Guddoonka iyo Xubnaha Golaha Wakiillada Galmudug isaga oo ku amaanay Shaqooyinka Hufanaa ee ay Bulshada Galmudug u soo qabteen, welina u taaganyihiin, kadib Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey Xaaladda guud ee Dalka iyo Xaaladaha Amni iyo Siyaasadeed ee Galmudug iyo Horumarka wayn ee ay ku tilaabsatay Galmudug, kadib Madaxweynaha ayaa si Rasmi ah u Furay Kalfadhiga 9aad ee Golaha Wakiillada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey xaalada dalka ayaa wacad ku maray iney ka qeyb qaadan doonaan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed, aysana aqbali doonin shisheeye uu qaato qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Somalia.

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo kulamo xasaasi ah ka wada Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Awaamiir ka soo baxday Israel oo ka dhaqan galay Lubnaan

Caydiid Ali

Faahfaahin: Ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo dil ka geystay Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---