Raisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Saraakiil katirsan NISA oo amarkiisa jabiyay

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si deg deg ah xilka uga qaaday saraakiil sar sare oo katirsan Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka oo maanta garoonka Aadan Cadde kahor istaagay in ay ka dhoofaan masuuliyiin horel.

Wareegto kasoo baxday Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.

Xil ka qaadista lagu sameeyay saraakiishan ayaa lagu sheegay in jawaab deg deg ah u aheyd tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed maanta looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Macalimuu ayaa saaka laga soo celiyey garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu doonayey inuu raaco dayuurad ku sii jeeday magaalada Garbahaarey , waxaana amarka lagu celiyay bixiyay Cabdullaahi Kulane.

Xil ka qaadistan ayaa imaaneysa xili maalmo ka hor i RW Rooble uu sheegay inaan cidna laga celin karin garoonka Aadan cadde, uuna la xisaabtami doono saraakiisha NISA iyo cid kasta oo arrintaas ku kacda, waxayna u muuqataa in amarkaas la iska dhega tiray, waxaana la sugayaa talaabada uu qaado Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -