Allbanaadir.com
NEWS

Afar dal oo Islaam ah iyo Itoobiya oo si rasmi ah ugu biiray Ururka BRICS

Waxaa sii kordhaya waddamada xubnaha rasmiga ah ka noqonaya ururka BRICS, waxaana hadda si rasmi ah ururkaasi ugu biiray afar dal oo muslim ah iyo dowladda Itoobiya, waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale oo hor leh ku biiraan.

Waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in ay uga mid noqdeen ururka BRICS waddamada Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iiraan iyo Itoobiya, kuwaa oo ku biiraya dalalkii horey ururkaasi ugu mideysnaa.

Dalka Arjentina ayaa la filayay in uu kamid noqdo dalalka ku biiraya ururka BRICS , Madaxweynaha cusub ee garabka midig ee Argentina, Javier Milei ayaa diiday qorshe ururkaasi ugu biiri lahaa uu diyaariyay madaxweynihii hore ee Arjentina.

Ururka BRICS waxaa horey ugu bahoobay shan dal oo kala ah dalalka Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koofur Afrika, waxaana hadda ururkan ku biiray shan dal oo hor leh , taa oo ka dhigeysa in ururka ka kooban yahay toban dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo hub iyo taageero kale ka codsatay miod kamid ah Wadamadda Caalamka

Cabdi Cade

Yuusuf Garaad oo Mareykanka looga soo sheegay in xilka laga qaaday kana hadlay sida uu u arko xil ka qaadista 

admin

Madaxweyne Erdogan oo hal Shardi ku xiray in ay la shaqeeyaan Maamulka Taalibaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---