Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Xoogga oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab oo miino aasayay

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan gobolka Mudug ayaa saakay gacanta ku dhigay labo nin oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo xilliga la qabanayay miino aasayay.

Raggan katirsan kooxda Al Shabaab ee qabteen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegay xilliga la qabanayay miinooyin ku aasayeen deegaanno ku dhaw magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono raggan la qabtay, waxa ayna tilmaameen in loo gudbin doono labadan nin laama ammaanka si caddaaladda u horgeeyaan.

Al Shabaab ayaa miinooyin badan ku aasay deegaannada dhaca koonfurta Mudug uu ka socdo howlgalo la doonayo in gabi ahaan kooxdaasi laga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Haweeney ajnabi ah oo weerar Mindi ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay Macalin Bilaal Jeylaani Nuure & xubno kale (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada Puntland oo saakay afar jiho ka weeraray togga Jaceel

Cabdi Cade
Taboola Ads ---