Allbanaadir.com
NEWS

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Yurub oo geeriyooday iyo kuwa la bad baadiyay

Dooni ay la socdeen muhaajiriin badan oo Afrikaan ah kuna sii jeeday Qaarada Yurub ayaa ku degtay biyaha dalka Liibiya, waxaana geeriyooday qaar badan oo kamid ah dadkii doonta saarnaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa doonida ku degtay biyaha dalka Liibiya ku geeriyooday 61-qof, waxaana lasoo bad baadiyay dad kale oo gaaraya 25-qof ,kuwaa oo qaarkood loola cararay xarumo caafimaad si xaaladooda loola tacaalo.

Sida laga soo xigtay dad ka badbaaday doonta degtay waxay sheegeen inay doonida oo ka soo shiraacatay xeebta magaalladda Zawara ee dalka Libya, waxaana doontan  la socday 86 qof oo Muhaajiriin ah.

Muhaajiriintan damaca uga jiray in ay gaaraan qaarada Yurub ee ku geeriyooday biyaha dalka Liibiya ayaa badankood waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Gambia , Nageria iyo dalal kale oo Afrikan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Badbaadinta Iyo Soo Celinta Hantida Qaranka (Sawirro)

Cabdi Cade

La taliyihii Amniga Qaranka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Iscasilay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Charles Mballa iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---