Allbanaadir.com
NEWS

Nin dalbanaya in xabsi la dhigo isaga oon Dambi gelin iyo Sabab xanuun leh oo ku kaliftay

Nin 60 jir ah oo u dhashay dalka Spain ayaa sheegay inuu qadyaan ka joogo kelinimo iyo walbahaar uga yimid ama uu ka qaaday xaalado caafimaad-darro ah. Wuxuuna codsanayaa in loo oggolaado nolosha xabsiga. Waayo, ayuu yiri, ma doonayo inaan wax dambi ah geysto!

Justo Márquez, wuxuu kasoo jeeda gobalka Qarnaada wuxuuna hortaagnaa xabsiga Alhaurín maalmo badan, isaga oo quudaraynaya inuu gudaha xabsiga la dhigo. Waxaa lasoo sawiray isaga oo sita boor ay ku qoran tahay .

Ninkan cidlada dillootay waxa uu warfidiyeenka u sheegay inuu ilaalada xabsiga dhowr jeer la hadlay una bandhigay codsigiisa balse lagu gacanseyray, waxa uuna sheegay in rejo ka qabo in mar un codsigiisa la aqbalo oo xabsiga la dhigo.

Márquez waxaa lagu soo warramay inuu la xanuunsanayo kansarka, wadne-xanuunka iyo walbahaarka iyo isku buuqsanaan, wuxuuna ka didayaa inuu kelinimo joogo 24-kii saac maalin walba. Sidaas darteed, wuxuu xabsiga u arkaa meel uu ku heli karo wehel oo u dhaanta xurriyadda bannaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Inta badan Wasiiradda xulan oo ku sugan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Toogasho saakay ka dhacday magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay xiliga uu dhacayo Imtixaanka Qaranka iyo amar la dul dhigay…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---