Toogasho saakay ka dhacday magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay isgooska Siinay ee magaalada Muqdisho ku toogtay sadex askari oo katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya kuwaa oo ka howlgalayay isgooskaasi .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in raga hubeesan si gaadmo ah u toogteen askarta katirsan booliiska oo goobtaasi ku geeriyootay, waxaana raga hubeesan horey usii qaateen qoryihii ay wateen ciidamada la toogtay.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa dilka kadib gaaray isgooska Siinay iyagoona halkaasi ka qaaday askarta la toogtay, ciidamada ayaa sidoo kale howlgal ay halkaasi ka sameeyeen ku guul dareestay in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay.

Ciidamada booliiska ee ka howlgala isgoosyada kuyaala magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay dayacan yihiin taa oo xiliyada qaar keenta in bambaano lagu weeraro sidoo kale toogasho loo geesto askarta qaar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -