Villa Soomaaliya oo Shaacisay cidda awoodda u leh in ay soo iibsato hub culus

Dowladda Soomaaliya ayaa laga qaaday xayiraadii dhinaca hubka oo muddo 30-sanno ka badan saarnaa, waxa ayna dowladda hadda kaddib fursad u heleysaa in ay soo iibsato hub nuucyo kala duwan leh oo casri ah.

Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa faah faahin ka bixiyay cidda awoodda u leh in ay soo iibsato hub iyo fursada Soomaaliya hadda u heesato in hub casri ah soo iibsato.

Lataliyaha amniga Qaranka ayaa sheegay in dowlad goboleedyada dalka soo iibsan karaan hub fudud oo ay isticmaalaan ciidamada ay leeyihiin ee kala ah booliis iyo asluub, waxa uuna xusay in kaliya dowlad goboleedyada loo ogol yahay hub ciidankaasi ku xadidan .

‘’Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa dalban karaa hub oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya, loona oggolyahay inay maamulaan hub iyagana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,” ayuu yiri Lataliyaha amniga Qaranka.

Waxa uuna intaa ku daray Xuseen Macallin “Dowlad goboleedyada dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin. 

Lataliyaha amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale cadeeyay in Soomaaliya waxii hadda ka dambeeya awood u leedahay in ay soo iibsato hub nuucii ay doonto, waxa uuna xusay in aysan jirin wax kale oo shuruud ah oo horyaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraada dhinaca dhinaca hubka ee laga qaaday uu kusoo aaday xilli ay baahi weyn u qabaan hub casri ah ,si ay ciidamada xoogga dalka uga adkaadaan kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -