Nin ku qeylinayay Allahu Akbar oo weerar ku qaaday Dalxiisayaal ku sugnaa Paris iyo khasaaro…

Nin dhallinyaro ah oo ku hubeesnaa toorey iyo dubbe ayaa weerar khasaaro geestay ka fuliyay magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska, waxa uuna weerarkan cabsi iyo khal khal badan galiyay dalxiisayaal magaaladaasi ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay weerarkan uu fuliyay nin 26-sanno jir Faransiiska u dhashay ayaa waxaa ku geeriyooday hal nin, halka labo qof oo kalana dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, booliiska ayaana markii dambe xiray ninka weerarka fuliyay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in weerarkan ka dhacay magaalada Pasris lagu beegsaday dalxiisayaal ku sugnaa magaalada Paris, waxa uuna sheegay ninka weerarka geestay in uu ku qeylinayay ”Allaahu Akbar”.

Waxa uu sheegay wasiirka in weerarkan lagu beegsaday dalxiisayaal ku sugnaa agagaarka Quai de Grenelle, kaasoo ku dhow daarta Eiffel, waxa uuna intaa ku daray in la xiray ninka weerarka geestay oo booliiska xogtiisa horey u hayeen.

Wasiirka ayaa sheegay in eedeysanaha weerarka geestay horey loogu xukumay 4 sanno oo xarig ah sannadkii 2016-kii, kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay weerar kale, isla markaana uu ku jiray liiska hay’addaha ammaanka ee Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -