Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Garowe & Booliska Puntland oo War ka soo saaray

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax galabta ka dhacay magaalada Garowe gaar ahaan inta u dhexeysa wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin.

Saddex dhalinyaro ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaasoo lagu dabiibayo goobaha caafimaadka, Wararka qaar aya sheegaya in qaraxan uu ka dhashay haraaga waxyaabo qarxa oo la isku adeegsaday dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa qaraxaas iyo waxa sababay ka soo gaaray war kooban oo u qornaa sidan hoose.

“Abaaro 14:30 ayaa 3 dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo 1. Ana’s Ahmed Jaamac,  2. Ahmed Jaamac Cabdi 3. Ayuub   Cawil Cali  waxa ay ku dhaawacmeen xabad nooca loo yaqaan (37) oo ay ku qarqaraaceen agagaarka wadada katagta Saldhiga  Galbeed ee aada  Bixin ee Magaalada Garowe. Waxaana socoda baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeri ah oo laxiriirta Dhacdadaas iyo waxa sabababay”

 

Related posts

Booliska DF oo ka warbixiyey falal amni daro oo ka dhacay Muqdisho iyo dhacdooyin kale

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo fariimo culus u diray madaxda dowlada Somalia iyo Mucaaradka

Caydiid Ali

Ciidanka Jubbaland oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---