Allbanaadir.com
NEWS

Aabbe dil u geestay saddex gabdhood uu dhalay kaddibna Booliiska isku dhiibay

Dalka Faransiiska waxaa ka dhacay fal dad badan aad uga naxeen walina u hadal hayaan , kaddib markii aabbe dalkaasi u dhashay dil argagax leh u geestay saddex gabdhood uu dhalay .

Aabahan arxanka daran oo 41-sanno jir ahaa ayaa dilay saddexda gabdhood uu dhalay oo ku sugnaa gurigiisa, waxa uuna dilka kaddib aabahan tagay saldhig booliis halkaas uu isku dhiibay ciidamada kuna qirtay dilka uu geestay.

War kasoo baxay booliska Faransiiska ayaa lagu sheegay inay meydka saddexda gabdhood ka heleen gurigiisa oo kuyaalla magaalada Alfortville, oo ku taalla duleedka koonfurta bari ee magaalada Paris.

Booliiska ayaa marka guriga uu dilka ka dhacay tageen ugu tagay meydadka saddexda gabdhood, waxaana labo kamid ah meydadka gabdhahaasi oo toorey lagu dilay loo tagay iyaga oo dadan, halka gabadha saddexaad loogu tagay fadhiga iyada oo meyd ah.

Aabahn dilka geestay ayaa la sheegay in horey sannadkii 2021-kii lagu helay dambi rabshadeyn qoys ah, waxaana aabahan lagu soo rogay ammar u diidayay in qoyskiisa u dhawaado ,inakstoo markii dambe xayiraadaasi laga qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad Muslimiin ah oo lagu dilay dalka Itoobiya iyo Sababta dilkooda keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dabley ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Kiiska dilkii loo geystay Marxuum Axmed dowlo oo dad cusub loo soo xiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---