Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kooxo hubeysan oo labo qof ku dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa maanta duhurnimadii labo qof waxay ku dileen wadada Soddonka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Labo dhagax.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay goobta ka baxsadeen markii ay dileen labada nin oo goob ku sugnaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga la dilay ka tirsanaayeen ciidanka dharcadka ah ee Nabad Sugida Somalia.

Dhowaan ayey aheyd markii sidan oo kale dabley hubeysan ay degmada Waaberi ku dileen saddex nin oo la sheegay iney ka tirsanayeen ciidanka dharcadka ah ee Nabad sugida qaranka.

Al-shabaab oo la rumeysan yahay iney ka dambeysay dilalkan ayaa maalmahan xoojisay weerarada ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/39oldNRjzPI

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay kulankii Xassan Shiikh & Dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle?

Caydiid Ali

Sirdoonka Turkiga oo afar qof ka qafaashay gudaha Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---